Hay’adda ISDP Oo Ka Hadashay Waxqabadkeeda-Sawiro

Hay’adda ISDP oo ka howl gasha magaalada Bosaso ayaa ah hay’ad bixisa adeeg caafimaad oo ay ka faa’ideystaan barakacayaahsa iyuo danyarta magaalada.

Hay’adda ayaa waxa ay dawaayinka siisaa xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee magalaada.

Farxiyo Cabdiwahaab Maxamad oo ah madaxa xarunta ayaa sheegtay in la asaasay sanadkii 2010-ka loona asaasay baahiyo badan oo ka jirtay magaalada.

Muhiimadda ugu weyn ee loo dhisay hay’adda ayaa ahayd in dadka barakacayaasha laga haqab tiro baahiya dhanka caafimaadka ah ayey tiri Farxiyo Cabdiwahaab Maxamad.

Xrumaha ay gacanta ku heyso hay’adda ayaa leh Qeybta dhalmada, qolka jiifka umusha, qolka ciyaalka ka hooseeya da’dooda shan sano iyo qolka cudurada guud.

 

Share Button

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*