Maamulka Somaliland Oo Joojiyay Adeegyada ZAAD IYO E-DAHAB Wixii Ka Yar Boqolka Dollar

Image result for somtel iyo telesom

Bosaso (Udugland.com) Shirkadaha Somtel iyo Telesom ee bixiya adeegyada Mobilka Lacagaha  laysugu xawilo ee Somaliland ayaa gabi ahaan joojiyay dirsashada iyo ku shubashada lacagaha wax lagu iibsado wax ka yar khidmadaha lacagta ee boqol dollar ($100) , kadib markii ay u hogaan sameen amar ay soo saartay Somaliland.

Adeegyadaas ayaa kala ahaa ZAAD  iyo E-DAHAB waxaana bixin jiray shirkadaha Telesom iyo Somtel oo ka howlgala Somaliland, Puntland iyo qeyb kamid ah Koofurta Soomaaliya.

Shirkadaha Telesom iyo Somtel oo bixin jiray adeegan ayaa maanta ku dhawaaqay in bari laga bilaabo ay joojin doonaan adeega Mobilka Lacagta waxii ka yar boqol dollar ($100) isku dir iyo wax ku iibsi, waxayna intaas ku dareen in deegaanada ka baxsan Somaliland uusan saameyn doonin go’aankan.

Sababta loo joojiyay adeega Mobilka Lacagta wax ka yar boqol dollar ($100) ayaa yimid markii Suuqyada magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland sanadihii danbe si aad ah looga dareemayay sicir barar, kadib markii shillinka Somaliland uu qiimo beelay marka lagu sarifo dollarka.

Somaliland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay oo ku guulestay wax ka qabashada adeega Mobilka Lacagta oo qeyb lixaad leh ka qaata sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagta Shilinka Soomaaliga ee ka jira deegaanada Soomaaliya.

Go’aankan oo kale waxaa horey ugu fashilantay Puntland oo mar isku dayday in ay joojiso adeega Mobilka Lacagta waxii ka yar Konton dollar ($50), kadib markii ay shirkadaha bixiya kala kulantay is-hortaag.

Udugland 2018

Share Button

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*