Madaxweynaha Somaliland oo si heer sare loogu soo dhoweeyay Abu Dhabi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo soo dhoweyn heer sare iyo qaabilaad loogu sameeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiiro iyo Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ayaa diyaarad qaas ah oo ah kuwa raaxada looga soo qaaday magaalada Hargeysa.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad rasmi ka helay Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, iyadoo socdaalkiisa ka dambeeyay markii Golaha Wakiilada Somaliland ay taageereen Heshiiskii Dekeda Berbera.

Sidoo kale socdaalka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aaday, maalin kaddib markii Baarlamaanka Federaalka uu soo saaray xeer dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World, isla markaana waxba kama jiraan laga dhigay dhamaan heshiisyadii ay gashay.

Xiisada ka dhalatay heshiiska Dekeda Berbera ayaa mar kale banaanka soo dhigtay mad-madowga soo kala dhex galay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in khilaafkii Khaliijka uu u soo wareegay Soomaaliya.

Udugland.com

Share Button

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*