Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Muritaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ah ee  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Wadaadi Walad Sayid.

Danjire Wadaadi ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Mudane Maxamed Walad Cabdul Casiis, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Murataaniya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin uu diray Safiirka Muritaaniya ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Mudane; Maxamed Walad Cabdicasiis  iyo Dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu asaas u noqdo iska kaashi buuxa oo dhex mara labada Dal.

Udugland@2018

Share Button

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*