Mooshinkii Laga Keenay Jawaari Oo Sabab La Yaableh U Burburay

Wararka laga helayo Xarunta barlamaanka soomaaliya ee Villa Hargeysa ayaa sheegaya inuu burburay Mooshinkii laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kadib markii la sheegay in tiradii loo baahna tiro ka yar ay soo gudbiyeen mooshinka.

Guddiga joogtadda ah ee Golaha Shacabka barlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in uusan sharci ahayn mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.

Inkastoo Guddiga Joogtada ee barlamaanka soomaaliya aysan wali soo saarin go’aan, hadana waxaa xarunta Villa Hargeysa ka socda kulamo lagaga tashanayo mooshinkii laga keenay MSC.Jawaari iyadoona sida wararku sheegayaan la filayo in goor dhow laga soo saari doono go’aan rasmi ah.

Sida sharciga ah mooshin waxaa soo qori kara oo keeni kara Xildhibaano gaaraya 93 Xildhibaan sidaas darteed ayaa guddigu sheegeen in la waayay tirade saxda ah ee loo baahnaa in mooshin lagu keeno

Share Button

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*