Tartanka cayaaraha marathonka oo dhalinyarada magaalada qardho loo qabtay (sawiro

UDUGLAND.COM- Tartanka cayaaraha marathonka ah ayaa 5tii Bushan August  galabnimadii jimcaha  loo qabtay dhalinyarada magaalada qardho ee xarunta gobolka karkaar.


 

IMG_20160805_172648-740x416Tartanka waxaa soo qaban qaabiyay maamulka degmada, kan gobolka iyo xiriirka kubada kolayga ee puntland oo kaashanaya dhalinta.

y-1-740x416

Tartanka ayaa la ordayay 3km,
Dhalinyarada iyagu tartamayay ayaa  orodka kasoo bilaabay kantaroolka qardho oo Dhanka koonfureed ka xiga  magaalada
Waxaa  uuna ku ekaa dugsiga sare ee sheekh cusman.

IMG_20160805_172351-740x416

Ducaale bashiir kuujeede ayaa galay kaalinta kowaad waxaana xaflad ka dhacday gudaha dugsiga sare ee sheekh  cusmaan ku gudoonsiiyeen madaxda gobolka iyo kan xiriirka kubada kolayga puntland  Koobka orodka degmada qardho.

IMG_20160805_172652-740x416

halka kaalinta labaadna uu galay Khaliif maxamuud ibraahim.
Musaabad lagu abaal marinayo 10kii kaalmood ee ugu horaysay dhalinyaradii kaalmaha ka gashay  tartanka orodka ayaa ka dhacday dugsiga sare ee sheekh cusmaan Lana gudoonsiiyay abaalmarino iyo Bilado.

Duqa degmada qardho cabdi siciid cusmaan ayaa  sheegay in dhalinyarada loo qabto cayaaro kala duwan kuwaasi oo dhalinta ka mashquulinaysa falalka xun xun sida qabyaalada iyo tahriibta
Sidoo kale waxaa halkaas ka Hadley gudoomiyaha gobolka karkaar  cabdiqadir siciid Carshe Dhaqaaje iyo macalimin ka Tirsan xiriirka kubada kolayga puntland iyagoona hambalyo iyo  bogaadin u diray dhamaan dhalinyaradii ka qayb gashay tartankaasi.

Share Button